Booliska K-afrika oo lagu eedeyay dhibaateynta somalida ku nool wadankaasi.
Johannesburg June 5, 2013(SDN)-Ganacsatada somalida ah ee ku ganacsatada wadanka K-afrika ayaa sheegay in ay weli ay la kulmayaan dhibaato kaga imaanaysa burcad madow ah oo dhac u gesanaya.
Qaar kamid ah ganacsatada wadankaasi oo warbaahinta Somalia la hadlay ayaa shegay in booliska wadankaasi ay iyaga wax ka ogyihiin dhibaateynta shacabka Somalia.
Soomalida ku nool wadankaasi ayaa maal mihi ugu danbeeyay dhibaato kala kulmaayay burcad modow ah oo ku kacsan somalida wadankasi ku ganacsata.
Dowlada Somalia waxa ay shegtay in ay wado talaaboyin gudi ay ugu dirayso wadankaasi.