|

Mad-madow Soo Kala Dhex Galay Kenya iyo Soomaaliya oo Marwooyin Wasiirro Ahi Xal U Raadiyeen

Nairobi June 02,2013(SDN/Hubaal)- Wasiirrada Arrimaha Dibedda ee dalalka   Soomaaliya iyo Kenya Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan iyo Marwo Aamina Maxamed  ayaa Markiiu horeysay wada yeeshay Kulan, tan iyo markii xilka loo magacaabay Wasiirrada Khaarijiga Kenya.

Kulanka Wasiirrada arrimaha dibedd Kenya & Somaliya ayaa ah kii ugu horeyay ee Laba Masuul oo Haween ah oo weliba kala matalay laba qaran    ay ku yeeshan Xafiis Dawladeed iyagoo diirrada   saarayay   Xal u helida Khilaafka soo Kala Dhex galay Dawladda Somalia iyo dhiggeeda Kenya,  khaas ahaan   Maamullada Gobolada  Soomaaliya ee soohdinta la leh Kenya, kuwaas oo dhawaan laga  xoreeyay Kooxda Al shabaab kasoo labada wadan ku  kala Aragti Duwan yihiin.

Sidoo kale Waxay labada dawladood isku maan dhafsan yihiin maamulida Dekadda Kismaayo iyo Maamul u samaynta gobolada Jubbooyinka iyo Geddo  Balse labada wasiir ayaa isla lafa guray arrimo ay  kamid yihiin Arrimaha Labada Dawladood isku maandhafsanyihiin.

SDN-Nairobi

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed