Kooxo Hubeysan Oo Weerar Ku Qaaday Xabsi Ku Yaalla Dalka Nigeria
Nigeria June 02 2013 (SDN)— Dabley hubeysan ayaa weerar ku qaaday Xabsi ku yaalla dalka Nigeria halkaasi oo ay ku dileen ugu yaraan 2-labo kamid ah ilaaladii xabsiga sida ay saraakiil sheegeen.
Kooxda Jihaadiista ah ee Mujao ayaa la tuhmayaa in ay weerarkaasi ka danbeysay waxaana la tilmaamay in maxaabiis kaga xirnaa ay ka soo baxsanayeen halkaasi.
Saraakiil ka tirsan Nigeria ayaa sheegay in weeraku uu aha mid gaadmo ah laakiin ma aysan sheegeen in xabsiga guha loo galay iyo in kale.
Weerarkan ayaa imaanaya maalmo kadib markii kooxda Mujao ay sheegtay in ay ka danbeysay weerar ismiidamin ahaa oo lagu qaaday saldhig milatari iyo goob macdanta laga qodo oo dalkasi ku yaalla.
SDN-Nigeria