|

Madaxtooyada Somaliland oo la Wareegtay Xaruntii Xisbiga UDUB iyo dhammaan Qalabkii yaalay

Hargeysa June 02,2013 (SDN) – Xukuumadda Somaliland ayaa la wareegtay dhismihii iyo  dhammaanba hantidii dhex taallay xaruntii dhexe ee Xisbul-xaakimkii hore ee UDUB, kadib markii ay hore u dalbatay gacan ku haynteeda iyadoo ku sheegtay Hanti qaran.

Sida uu shaaca ka qaaday Wasiirk ku xigeenkii Ganacsiga ee xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin Md. Cabdixaliim Muuse oo tan iyo burburkii UDUB kadib gacanta ku hayay masuulyadda xarunta dhexe iyo agabka yaalayba, 336 shay oo kamid ahaa  hantida dhex taallay xarunta ayaa uu ku wareejiyey Aqalka Madaxtooyada, waxaana la sheegay in  tallaabadan ay  isla qaateen  Garyaqaanka Guud ee Qaranka iyo  Hanti-dhawraha Guud ee qaranka  kuwaas oo Metelayay xukuumadda, isla markaana  ka hor intaan Hantida la wareejin baadhis iyo diwaan-gelin ku sameeyay agabkii xarunta yaalay, kuwaas oo diiwaangelintooda uu dalbaday Md. Cabdixaliim oo ku sime u ahaan jiray Xoghayihii Guud ee UDUB, isaga oo Waraaqda diiwaangelinta iyo Wareejinta ah u qoray Hanti dhawraha iyo Garyaqaanka guudba.

Cabdixaliim Maxamed Muuse   ayaa aqalka Madaxtooyada ee xukuumadda Siilaanyo ku wareejiyay  336 Shay oo isugu jira Computer-dii, Miisaskii, Kuraastii, Gogoshii  iyo agab xafiiseed kale oo ah wixii uu ku qalabaysnaa Xafiiskaasi.

“Haa Runtii waxaanu ku wareejinay Madaxtooyada dhammaan qalabkii Xarunta yaallay oo dhammaa 336 Shay, ka dib markii ay hore noogu yidhaahdeen waa Hanti-qaran ee soo wareejiya” sidaa ayuu yidhi Mr. Cabdixaliim oo u warramay degelka wararka ee Gobanimonews, waxaanu intaa ku daray “ Kiradii Guriga iyo Shaqaalihii Ilaalinayay  waanu ka  bixi waynay, wixii oo dhammina dushay naga fuuleen, iyadoo runtiina ay hore u jireen dad dayn Xisbiga u sheeganayay,  markaa xubnihii xisbiga markii aanu ka tashanay, waxaanu isku waafaqnay inaanu ku wareejino Madaxtooyada, maadaama ay Hanti-qaran ku sheegeen”ayuu  ku ladhay Hadalkiisa.

Cabdi Xaliim, ayaa sidoo kale sheegay inay wareejinta agabkaasi  ay goob-joog ka ahaayeen, Garyaqaanka Guud, Hanti-dhawraha Guud iyo Guddida Diwaan-gelinta ururadda iyo Ansixinta Asxaabta Qaranku  “waxa goob-joog ka ahaa markii aan Qoraalka wareejinta ah u sameeyay  Guddida Diwaan-gelinta  Ururadda iyo Garyaqaanka Guud iyo Hantidhawraha Qaranka oo Diwaan-gashaday”ayuu yidhi.  Dhinac a kale, wareejinta agabka, ayaa ka sokow uu sheegay inay xubnaha Xisbiga damac ka wada galay, taasoo uu sheegay inay  sababi lahayd Khilaaf iyo isqab-qabsi dhexdooda ah, si taasi ay uga bad-baadaana uu dan mooday in Xukuumadda lagu wareejiyo wixii xisbigu Hanti ka bur-buray.

HUBAAL

Comments are closed