Wasaarada Duulista iyo Hawada oo ka hadashay Go’aankii ay Ku Xayireen Diyaaradaha UN,iyo Halkuu Marayo Dib u dhiska Madaarka Cigaal ee Hargaysa
Hargaysa 01.June (SDN) Wasiirka Wasaarada Duulista iyo Hawada ee Somaliland Mudane Maxamud Xaashi Cabdi ayaa ku celiyay inaan Xukuumada Somaliland ka Noqon Go’aankii ay ku Xayirtay Diyaaradaha Qaramada Midoobay inaanay Ka Soo degi Karin Madaarada Somaliland.
Wasiirku Waxa uu hadalkan ka Sheegay mar uu Maanta Warbaahinta kula hadlayay Gegida diyaaradaha ee Cigaal International Airport isagoo faahfaahiyay halka ay Marayso hawsha dib u dhiska Madaarku.
Mudane Maxamud Xaashi Cabdi waxa waxa uu Sheegay in Maanta la bilaabay Labeen la dul dhigayo Dhabaha diyaaraduhu ka haadaan taas oo dhan dherer ahaan 7 Senti Mitir Waxaanu Xusay inay tahay hawshii u danbaysay ee Madaarka laga qabto isla markaana ay filayaan in dhawaan Si rasmi ah Xadhiga looga jaro.
Wasiirka Wasaarada Duulista iyo Hawadu waxaa kale oo intaas ku daray in Dawlada Somaliland aanay Jirin Wax ay ka bedeshay Go’aankii ay Madaarada Somaliland kaga Mabnuucday diyaaradaha Qaramada Midoobay oo ku Xad gudbay Jiritaanka iyo Madax banaanid Somaliland.
Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac Nac oo ka Tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiilada ayaa soo dhaweeyay hawsha baaxada leh ee wasaarada Duulista iyo Hawadu ka wado Madaarka diyaaradaha ee Cigaal .
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com