|

Taliska AMISOM oo sheegay in ay fashiliyeen weerar Al Shabaab ay ku soo qaadeen

Balidoogle June 01, 2013 (SDN)— Ciidanka Nabada Ilaalinta Midowga  Afrika ayaa fashiliyay weerar jidgal ahaa oo ay Al Shabaab ku soo qaadeen kaasi oo ka dhacay inta u dhexeeya Balidogle iyo Birweyn.

Warsaxaafadeed ay soo saareen AMISOM ayaa sidoo kale lagu sheegay in gacanta ku dhigeen Rag iyo hub ay lahaayeen Al Shabaabka weerarka soo qaaday.

Taliyaha Ciidanka AMISOM Andrew Gutti ayaa sheegay in weerarada kuwaasi oo kale ah aysan waxba u dhimeyn taageerada ay siiyaan dadka Soomaaliyeed iyo ilaalinta wadada isku xirta Muqdisho iyo Balidoogle.

Warsaxafadeedkan ka soo baxay saraakiisha ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ayaa ku soo aadaya, ayadoo shalay weerar gaadmo ah uu ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka shabeelada Hoose, kaasi oo wadada loogu galay ciidamo ka tirsan AMISOM.

Dhanka kale Saraakiisha ciidamada Al-Shabaab oo ka hadlay dagaalkan ayaa sheegay in dhankooda ay khasaaro ku gaarsiiyeen AMISOM, islamarkaana ay ka gubeen labo gaari.

Balidoogle-SDN 

Comments are closed