Xukuumada Somaliland oo daboolka ka qaaday inuu Beri dalka Imanayo Prof Axmed Ismaaciil Samatar
Hargaysa 01.June (SDN) Wasiirka wasaarada kaluumaysiga Somaliland mudane C/llaahi Jaamac Cismaan Geljire oo maanta warbaahinta kula hadlayay xafiiskiisa ayaa sheegay in maalinta beri ah uu dalka iman doono Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ah muwaadin qiima weyn ku leh bulshadiisa muddo badana ka maqnaa dalka .
Wasiir geeljire waxa uu u jeediyay bulshada Somaliland in ay si weyn uga qayb qaataan soo dhaweyntiisa muwaadinkaas oo uu u sheegay in uu dalku u baahanyahay kaalintiisa inuu ka qaato horumarkiisa
Wasiirku waxa uu sheegay in Dr. Axmed Ismaacil samatar uu yahay shakhsi miisaan leh oo wax weyn kusoo kordhin kara ka midho dhalinta qadiyada Somaliland.
Wasiirka waxa shirkaa jaraaid ku weheliyay mudane Bashiir Cabdi Xariir oo ah Madaxa Xafiiska xafiiska arimaha siyaasada ee madaxtooyada Somaliland iyo agaasimaha guud ee wasaarada kaluumaysiga md. Maxamed Cilmi Aadan.
Inkasta oo Prof. Samater uu muddo dheer ka mid ahaa aqoonyahamiinta qurba jooga ah ee u dhashay Somaliland ee diidanaa gooni isku taaga Somaliland, ayaa waxa uu shaaciyay in aanay wax suurtogalaya ahayn midnimo danbe oo Soomaaliyeed, ka dib markii uu mudo bilo ah oo uu ka mid ahaa baarlamaanka Soomaaliya ku ogaaday xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta koonfurta Soomaaliya iyo sida aanay waxba ugu oolin siyaasiyiinta u dhashay Somaliland ee ka mid ka ah dawlada Soomaaliya.
Waxa kale oo uu Prof. Samater dhawaan sheegay in uu iska casilay xubnimadii baarlamaanka Soomaaliya isaga oo joogay xiligaasi dalka Maraykanka, waxaanu qiray wixii ka danbeeyay muddadaasi gooni isku taaga iyo qaranimada Somaliland iyo sidoo kale hanaanka dimuqraadiyada iyo horumarka kala duwan ee ay Somaliland ku talaabsatay muddada ay jirtay.
Geesta kale Wasiirka Kalluumaysiga ayaan Shirkiisa Jaraa’id ku Sheegin in ay Cafis u fidisay Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo ka soo Hor jeeday Qaranimada Somaliland,Maadama Sharciga Somaliland dhigayo in Qofkii u dhashay dalkan ee ka soo horjeesta qaranimadiisa laakiin yaqiinsada Xaqa aayo ka tashiga Ummada inuu Cafis ka dalbado Xukuumada markaas talada haysa.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com