|

Golaha Guurtida oo Cod aqlabiyad ah ku Meel Mariyay Xeerka Qareenada Somaliland

Hargaysa 01.June (SDN) Golaha Guurtida ee  somaliland   ayaa  fadhigoodii maanta  oo uu shirgudoominayey Gudoomiyaha Golahaas  mudane Saleebaan Maxamuud Aadan  mudanayaasha golahaasi waxa ay  ku ansixiyeen xeerka Qareenada Somaliland ee Xeer No 30/2004.

Kadib markii muadanayaasha Golaha Guurtidu cod gacan tag ah uqaadeen xeerka Qareenadda s/land ayaa waxaa ogolaaday toddoba iyo labaatan mudane ,waxaana diiday saddex iyo toban xildhibaan,waxaana ka aamusay halmudane,Gudoomiyuhuna ma codayn,xeerkan Qareenadda Somaliland ayaa mudanayaasha Golaha Guuurtida waxa hore ugu soo gudbiyey Golaha wakiiladda  ka dib markii ay wax ka badal iyo kaabis ku soo sameeyeen.

Fadhigii maanta ee golaha guurtida Somaliland waxa goobjoog ka ahaa xubno a tirsan ururka qareenada Somaliland.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

 

Comments are closed