Iska hor imaad u dhexeeyay Boolis iyo Mudaharaadayaal ka dhacay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga
Istanbul June 1, 2013 (SDN)— Inkabadan 100-ruux ayaa ku dhawacmay Iska hor imaad u dhexeeyay Ciidamada Booliska dalka Turkiga iyo dad mudaharaadayaal ah kaasi oo ka dhacay Magaalada Istanbul ee dalkaasi.
Iska hor imaadka ayaa kadanbeeyay markii ay ciidanka booliska isku dayeen in ay kala eryaan mudaharaadayaasha oo muddo 4-maalmood kabadan ku sugnaa qeybo ka mid ah fagaaraha weyn ee Taksim ee kuyaalla Magaalada Istanbul.
Mudahaaradayaasha ayaa si gadoodsan u dagay fagaaraha Taksim markii uu soo gaaray war sheegayay in dowladda Turkiga ay qeybo kamid ah fagaarahaasi weyn ay ka sameynayso xarumo ganacsi si loo yareero qaadka dadka halmar isugu imaanka kara fagaaraha Taksim oo aad u balaaran.
Dowladda Maraykanka iyo hay’addaha Xuquuqul Insaanka ayaa canbaareeyay sida ay booliska Turkiga ula dhaqmeen dadkaasi mudaharadayaasha ah waxaa lagu soo warmayaa in magaalooyin badan oo dalkaasi ka tirsan ay ka bilaawdeen mudaharaadayaal kale.
Ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga ayaa hada wajahaya cadaadis badan waxaana jira kacdoon ka dhan ah xisbigiisa talada dalka haya.
Istanbul- SDN