|

Danjire Cali Ameeriko oo booqaday xerada Kaakuma, Caawinaadna gaarsiiayay qaxootiga (Sawirro)

Nairobi June 01 2013 (SDN)– Safiirka Soomaaliya ufadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Nuur “Ameeriko” ayaa booqasho ku tagay xerada qaxootiga ee Kaakuma oo ay ku jiraan kumanaan Soomaali qaxooti ah oo siyaabo kala duwan ugu soo qaxay Kenya kadib dagaaladii sokeeye ee ka qarxay Somaliya 1991-kii.

Maxamed Cali Ameeriko ayaa kulmo kala duwan oo xog wareysi ah la yeeshay qeybaha bulshada Soomaliyeed ee ku dhaqan Xerada Kaakuma, isagoona kala hadalay nolosha dhabta ah ee ka jirta xerada iyo hadii ay jiraan dhibaatooyin dhanka amaanka ah oo loo geysto dadka Soomaliyeed ee kujira Xeradaasi.

Safiirka ayaa shegay in uu aad ugu calool xumooday qaabka ay ku nool yihiin qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhaqan Xerada Kaakuma kuwaas oo diif xoogan oo dhanka nolosha ah ay ka muuqatay.

Safiirka ayaa socod ku maray qeybaha degaanka Kaakuma ay kaga noolyihiin Soomaalida isagoona mid mid ugacan qaaday dhamaan dadkii isugu soo baxay in ay soo dhaweeyaan.

Kadib markii uu Mr “Ameeriko” dhagaystay cabashooyinka ay qabaan qaxootiga ku nool Xerada Kaakuma ayaa waxaa uu qeexay in Safaarada Soomaaliyeed ee Kenya ay awooda saari doonto sidii dhibanayaasha xeryaha kujira ay hey’adaha gargaarka ugu helilahaayeen gar-gaar deg deg ah oo waliba laga soo hormariyay xilligoodooda maadaama waqtigan ay qaxootiga baahi weyn uqabaan caawin dhanka bani’aadanimada ah.

Maxamed Cali :Ameeriko” ayaa sidookale buugaag iyo qalimaan badan uqeybiyay dhalaanka Soomaalliyeed ee wax ka barta xerada Kaakuma isagoona uballan qaaday ubadka da,da yar in xilli kasta uu ka caawin doono agabka waxbarsho si ay ugu suuragasho in mustaqbalkooda aqooneed ay dhisaan.

Wax-garadka ,haweenka iyo caruurta Soomaaliyeed ee ku jira Xerada qaxootiga kaakuma ayaa safiirka ugu mahadceliyay booqashadiisa iyagoona ku tilmaamay Cali Ameerkio wadani Soomaaliyeed oo udiyaar garoobay caawinta dadkiisa iyo dalkiisa.

Danjire Ameeriko ayaa sheegay in hiil iyo hoo uu mar waliba la garab istaagi doono dhamaan qaxootiga Soomaaliyeed ee Kujira Xerayaha qaxootiga Kenya.
Safaarada Soomaaliya ee Kenya ayaa marar badan waxay caawinaad kala duwan gaarsiisay dadka ku dhibaateysan xerayaha qaxootiga Kenya, iyadoona taasi ay muujineyso sida Danjire Ameeriko uu diyaar ugu yahay shaqada ay dowlada Soomaliyeed usoo igmatay ee ah ka warqabka iyo lasocda xaaladaha bulshaweynta Soomaaliyeed eek u nool dhulweynaha Kenya.

W/Q: Maxamed Cisman
Nairobi,Kenya

airobi,Kenya

safiir5Safiir1Safiir2Safiir3Safiir4

Comments are closed