|

Wasaarada Cadaalada iyo Garsoorka oo barlamanka Soomaaliyeed maanta hortimid

Muqdisho May 30 2013 (SDN)– Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa shir gudoominayay gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikar.

Kulanka oo ay soo xaadireen 147 Xildhibaan ayaa ajandihiisu ahaa qeybinta qoraal 5-Qodob ka koobnaa oo ay soo gudbisay wasaarada Cadaaladda iyo Garsoorka.

Furitaanka gudoonka Baarlamaanka kadib kulanka waxaa ka hadlay wasiir ku xigeenka wasaarada Cadaaladda iyo Garsoorka Xasan Maxamed Jimcaale isagoona Xildhibaanada Baarlamaanka u akhriyay qodobada shanta ah ee ku xusan qoraalkii ay soo diyaarisay wasaarada Cadaaladda iyo Garsoorka.

Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah Gudoomiyaha gudiga Xuquuqul Insaanka ee Baarlamaanka ayaa kulanka ka sheegtay in aan Xildhibaanada weli loo cadeyn wasaarada ku shaqada leh ama wasaarada ay qoseyso arimaha Xuquuqda Aadanaha, waxa ayna xustay in horey ay ugu gudbiyeen gudoonka Baarlamaaka in lasoo cadeeyo wasaarada ay hoos imaaneyso arimaha Xuquuqul Insaanka.

Ugu dambeyn shir gudoonka kulankii maanta oo ahaa Jeylaani Nuur Iikar gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka ayaa sheegay in gudiyada ay khuseyso ajandihii maanta ay soo gudbisay wasaarada Cadaaladda iyo Garsoorka looga baahanyahay in ay soo dhirindhiriyaan ama ay soo gorfeeyaan, kadibna ay kusoo celiyaan Baarlamaanka ayagoona awood u leh in ay wax ka badelaan ama ku kordhiyaan.

SDN-Muqdisho

Comments are closed