Kenya oo sheegtay in ay diyaar u tahay iska difaaca al-shabab.
Nairobi May 30, 2013(SDN)-Wasiirka gaashaandhiga dalka kenya Raychelle Omamo ayaa sheegtay in kenya ay diyaar u tahay in ay iska difaacdo cid kasta oo ku soo gardoroota oo ay kamid yihiin xarakada Al-shabaab.
Wasiirka Gaashan dhiga Kenya ayaa sheegtay in militeraga dalka kenya ay si dhow isha ugu hayaan dhaqdhaqaaqa Alshabaab ee Soomaaliya.
Ms Omamo oo ka hadlaysay Xaflad lagu maamusayay maalinta calaamiga ah ee ciidamada nabad ilaalinta Q.M ayaa ciidamada Kenya ku amaantay sida wanaagsan ee shaqadooda uga gutaan goobaha nabad ilaalinta loogu diro .
Waxaa ay sheegtay in ciidamo nabad Ilaalin oo kenya ka socda ay iminka ku suganyihiin Congo,Leberia ,Sudan Soomaaliya iyo koonfurta Suudaan.
Wasiirka gaashan dhiga dalkasi kenya Raychelle Omamo ayaa Carabka ku adkeeyaysay in kenya ay diyaar u tahay in ay qayb qaadato howlgalada nabada ilaalinta Q.M Marka loo Baahdo.