|

NUSOJ oo canbaareysay shirqool lagu dili lahaa wariye ku sugan Kismaayo

Muqdisho May 30, 2013(SDN)-War saxafaded ay soo saaren ururka suxufiyinta qaranka somaliyeed marka magacooda lasoo gaabiyo lo yaqano NOSOJ ayaa hadal midkii ugu kululaa ku canbaareyay shirqool la doonayay in lagu dilo wariye madax banana oo lagu rasaaseeyay maagalada Kismaayo 29-ka bishaani May.

Ururka waxa uu bixiyay caalamada ku aadan qatarta ay ku sugan yihiin suxufiyinta Somalia.

Wariyaha oo lagu magacabo Abdulkadir Abdirisak  Jama oo loo yaqano jiijile ayaa ka howgalayay Tv-ga Royal iyo idacada Mustaqbal ayaa koxo ku hubeysan bastoolada waxa ay isku dayeen in ay dilaan balse shirqoolkasi waa uu ka badbaaday dhawac ayaa kasoo gaaray rasastii lagu dhuftay waxana loo qaaday cisbitaal ku yaala magaladasi.

Qof lagu eedeynaayo in uu shirqoolkasi ka danbeeyay ayaa la shegay mamaulka halkasi ka jira in ay gacanta kusoo dhigeen.

NOSOJ waxa ay ku baaqday in baaritaan dag dag ah lagu sameyo falkasi lama oga waxa ka danbeya shirqoolkasi lagu qaarijin laha wariyahasi madax banana oo lagu dhacay xafada Farjano.

Comments are closed