Nin ka Tirsanaa ururka Al Qacida oo shaqadii laga eryay,maxey tahay Sababtu?
Algiers May 30,20139SDN)-Mid ka mida Hogaamiyeyaashii ururka Al Qaacida ee woqooyiga Africa Mokhtar Belmokhtar ayaa dhawaan xilkii argegixisonimo ee aagaasi uu ka hayay laga eryay.
Sidaana waxaa ay ku qoreyd qoraalo Al Qaacida ay u dirtay oo ay saxaafadu heshay.
Al Qaacida ayaa Mokhtar ku eedeysay in aanu ka jawaabin telephonada,aanu cadeymo ka bixin kharashaadkiisa.
Balse ta ugu darani waxa ay aheyd in anu fulinin hawlgalo guuleysatay iyo in aanu wax madax furasho ah weli soo xareynin.
Mokhtar Belmokhtar ayaa kolkii laga eryay Al Qaacida sameystay urur gaara oo fuliyay hawlgaladii ugu dhimashadaa badnaa ee xag jiriintu ka fuliyaan Woqooyiga Africa.
Horaantii sanadka ayay Koox uu hogaaminayo Mokhtar waxa ay galeen xarun shidaalka laga baaro oo ku taal dalka Algeria.
Hawlgalkaas ayaa waxa lagu dilay in ka badan 101 ruux oo ka hawlgalayay xarunta shidaal.
SDN-Algereis
contact@somalidiasporanews.com