Hooyo ilmeeheedii uu kaga dhacay Bulaacada Musqusha iyo Ilmihii Yaraa oo Eebe Badbaadiyay
Beijing May 30,2013(SDN)-Haweeney ku nool bariga dalka China ayaa ilmo yar oo ay uurka ku siday uga dhacay Musqul,dhacdadan ayaa noqotay ta dunida ugu hadal heynta badan ka dib kolkii ilmihii yaraa oo nool laga soo saaray Bulaacad.
Haweeneyda oo aan magaceeda la shacin isla markaana ah 22 jir ayaa laga soo xigtay in ay dareentay calool xanuun ka dibna uu ilmuhu ka soo dhacay.
“Waxa aan isku deyay in aan ilamaha yar soo saaro balse dhiig farobadan oo iga baxay awgii waan arki kari waayay,ka dibna waxaan furay biyihii sidaasuuna bulaacada ku raacay”ayay hooyadu booliska u sheegtay.
Mucjisada eebe awgeed ilmihii yaraa ayaa dad arkeen tiyoo mid ka mida lugahiisu ay dibada yaalaan,isla markaana dadka ayaa maqlayay dhawaaqa wiilka yar.
Ciidamada Gurmedka deg dega ayaa jaray dhuuntii Bulaacada oo cusbitaalka i qaaday,halkaasoo caacado ka dib ilmihii yaraa laga soo saaray.
Hooyada dhashay wiilkan ayaa isku dayday in ay booliska iyo mulkiilaha daarta ay ku nooshahay u sheegto in ay ooyin ka maqashay gudaha Bulaacada.
Booliska ayaase kolkii ay aqalkeda tageen arkay dhar dhiig badani ku yaalo oo aqalka dhex yaala.
Booliiska ayaan ilaa iyo haatan wax danbe ah ku soo oogin hooyada dhashay ilmahan yar oo haatan loogu yeero”Baby 59”
Dhakhtarka uu yaalo ilamahn yar ayaa saxaafada u sheegay in ilmuhu caafimaadkiisu aad u wanaagsan yahay,caanahana uu caadi u cabayo.
Si kastaba ha ahaatee waxa mucjiso caalamka ku noqotay side eebe ilmahaa saqiirka ah uu ugu badbaadiyay gudaha Bulaacadaasi saacado foro badan.
SDN-Beijing
contact@somalidiasporanews.com