Khudbadihii Xuska 22 Guurada ka Soo Wareegtay Markii Itoobiya dhinac isaga riday Heeryadii Mingiste {DHAGAYSO}
Hargaysa 29.May (SDN) Waxaa laga Joogaa Mudo ku Siman 22 Sannadood Markii Shucuubta reer Itoobiya ay qori caaradii Xukunka kaga Rideen Keli taliyihii Mingiste Xayle Maryam oo Sannad kastaba la qabto 28 bisha May ayaa Habeenkii Xalay Munaasibad Si weyn loo bilay oo lagu maamuusayo Xoriyada Itoobiyada Cusub waxaa lagu qabtay Huteel Maansoor ee Magaalada Hargaysa .
Munaasibadan Waxaa ka soo Qayb galay safiirka dawladda Itoobiya u fadhiya Somaliland, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan,Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta Axmed Cabdi Xaabsade,Wasiir kuxigeenka Wasaarada arrimaha dibada Somaliland Mawliid Maxamed Karaani, Wasiirkii hore Maaliyada Somaliland Xuseen Cali Ducaale, Suldaan Xiirey,Xildhibaano ka tirsan labada Gole Baarlamaan (Guurtida Wakiillada), Odayga ugu da?ada weyn Somaliland Xaaji Cabdi Waraabe, Ganacsade Cumar Caydiid, saraakiisha ciidamada kala duwan ee Somaliland, jaaliyadda Itoobiya ee Somaliland deggan, ganacsato iyo marti-sharaf kale oo aad u badnaa.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/XUSITOOBI(1).mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com