|

Gulf News: Sheekh Osama Bin Laden Lama Diline Waa Isdilay (AKHRISO WARBIXIN)

Qahira May 29 2013 (SDN)— Warkaan oo maanta lagu daabacay Web page-ka Gulf News ayaa waxa uu warbixin ka qoray wareysi gaar ah ay la yeesheen nin ka mid ahaa ilaaladii Hogaamiyihii hore ee Al qaacida Shiikh Osama Bin Laden ee isagu la dilay.

Waxa uu ku bilaabay warbixinta markii uu dhimanayey Shiikh Osama inuu dilay ka hor inta uusan geeriyoon labo ka mid ahaa ilaaladiisii kadibna uu isaga is dilay.

Nabiil Naciim Cabdifitaax oo hore usoo noqday hogaamiye Xisbi islaami ah oo Jihaadka dadka ugu yeerayey xiriirna la lahaa Al qaacidada Caalamka.

Ninkaan Wareysiga Gulf News siiyey ayaa 1988-1992 hogaaminayey Xisbigaasi waxaana uu shaaca ka qaaday war qarsoonaa kaasi oo ahaa in Osama aan la diline uu isaga is dilay.

Howlgalkii dhacay 2 May 2011-kii ee Mareykanka ugu magacdareen Geronimo ayey ku sheegeen in Osama Bin Laden ay dileen laakiin Nabeel oo ilaaladiisa ka mid ahaa ayaa leh lama dilin bin laden.

Deegaanka Abootabad ee Bakistaan kuyaalla oo ahayd meeshii lagu weeraray Shiikh Osama ayaa Madaxweynaha Mareykanka Brack Obama uu ku sheegay in Bin laden ay ku guuleysteen inay dilaan.

“Bin laden markii weerarka uu dhacayey waxa uu dhexda ku watay suuq waxyaabaha qarxa ku jireen isaga ayaana is dilay sidaa waxa usheegay Gulf News Nabiil Naciim Cabdifitaax oo ilaalada Bin laden ka mid ahaa”.

Cabdifitaax ayaa xaqiijiyey in 10-kii sano ee lasoo dhaafay dhexda ku xiran jiray suuqa waxyaabaha qarxa ku xirnaa aakhirkiina uu isaga isku dilay ayna been abuur tahay in Mareykanka dileen Shiikh Osama.

“Sirdoonada Mareykanka ayaa iyagu doonayey inay qabtaan laakiin uu is qarxiyey isaga ka hor inta aysan meydkiisa dul tagin sidaa ayuu yiri Nabiil Naciim Cabdifitaax”.

2-dii May 2011-kii ayaa Hogaamiyihii Al Qaacida Shiikh Osama Bin Laden waxa uu ku geeriyooday dalka Bakistaan xilligaasi Mareykanka ayaa ku faanay inay khaarajiyeen laakiin war soo baxay waxa uu sheegayaa in Bin Laden isaga uu isku qarxiyey Suun dhexda ugu xirnaa.

Waxaa Tarjumay: Xasan Cabdullaahi

Comments are closed