WAXAANU CANBAAREYNAYNAA MADAXWEYNAHA DAWLAD DEGAANKA KILILKA SHANAAD
Hadaanu nahay gudidda beesha ciidagale ee UK waxaanu si aad uculus u canbaareynaynaa
Madaxweynaha Ina ilay oo colaad kawada degaamada beelaha ciidagale iyo ogaadeen. kaasoo
doonaya inuu beesha ciidagale ka riixo degaankii AWAARE iyo YOOCAALE ee ay weligood deganaayeen,
abaabulayana inuu dhiso tuulooyin cusub oo ah badhtamaha degaanka ciidagale dejinayana beeshiisa.
Waxaanu ugu baaqaynaa inay beeshu heegan iyo diyaar garow ka gasho deegaan ka riixista uu wado
Ina ilay, dhulkoodana difaacdaan, AWAARE oo ah degmo labada beelood qarniyo kuwada noolaayeen
ayuu doonayaa inuu ka tirtiro beesha ciidagale.
Waxaanu ina ilay usheegaynaa inaanay marna u suurto galeeyn qorshaha uu wado ciidagalana aanu ka tirtirayn
degaankooda lana socdaan dhaqdhaqaaqiisa siyaasadaysan.
Waxa keliya ee uu soo wadaa waa colaad labada beelood ka dhex qaraxda.
DAWLADDA FEDERALKA waxaanu ogeysiinaynaa colaada ina ilay wado ee uu beesha ciidagale doonayo inuu kaga tirtiro
degaankooda.
Beelaha ogadeen waxaanu ogaysiinaynaa inay ka hor tagaan colaadaa uu wado Ina ilay.
Waxaanu ugu baaqaynaa dhamaan beesha ciidagale dalkii iyo dibadaba ay shir degdega ka yeeshaan xaaladaha
ka soo cusboonaaday kililka.
Wa bilaahi tawfiiq
Gudoomiyaha beesha ciidagale ee UK/EUROPE
Abokor maxammed shukri