|

DAAWO: Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland oo Ka qayb galay Shir ay ka soo qayb galeen Somalia iyo Kenya

Nayrobi 28.May (SDN) Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada ee Somaliland Dr Maxamed C.laahi Cumar oo ku Sugan Magaalada Nayrobi ee Xarunta Wadanka Kenya ayaa Maanta ka qayb galay Shir loo qabtay Wadamada Somalia,Somaliland iyo Dalka Kenya .

Wasiirka Arrimaha Dibada oo Shalay ka duulay Madaarka Magaalada Berbera ayaa Ujeedada Socdaalkiisa Kenya ku Sheegay inuu Kulan kula yeelan doono Madaxda Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa isla markaana ay ka wada hadli doonaan Go’aamo aan u Cuntamin Somaliland oo ay ku dhaqaaqeen kana Mid Yihiin u Wareejinta Dhaqaalihii Hawada Somaliland ee Dawlada Somalia taas oo uu uu xusay inaan Somaliland laga talo galin .

Hasa Yeeshee Wasiirku inkasta oo uu ogaa Shirkan uu Maanta kaga qayb galay Magaalada Nayroobi kamuu sii hadlin inuu Shir ay Isugu Imanayaan Somaliland,Somalia iyo Kenya inuu ka qayb galayo.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Nayrobi SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed