|

Kulan lagaga arrinsanayay Sidii Ganacsatada Caasimadu Gacan u siin lahaayeen Xulka Gobolka Maroodi Jeex oo Hargaysa ka qabsoomay

Hargaysa 28.May (SDN)  Gudoomiyaha  Gobolka Maroodi Jeex Maxamed Maxamuud Jeeniyare oo uu Weheliyo Ku simaha Maayirka Duqa Caasimada Hargaysa ahna Maayar Ku xigeenka Caasimada Hargasya Cabdicasiis Maxamed (Cagaweyne)  ayaa Maanta Ganacsatada Caasimada la yeeshay Kulan Lagag wada Hadlayay Sidii ay Gacan dhaqaale ugu fidin lahaayeen Xulka Kubada Cagta ee Gobolka Maroodi jeex..

Ugu Horeyn waxa Goobtaasi ka Hadlay Ku simaha Maayirka Duqa Caasimada Hargaysa ahna Maayar Ku xigeenka Caasimada Hargasya Cabdicasiis Maxamed (Cagaweyne) ayaa ka dalbaday dhamaan ganacsatada Caasimadu inay Xil iska saaraan Gacan qabasho ay ka Helaan Tujaarta,Maadaama ay huwan yihiin ayuu Yidhi Magacii Gobolka ay Caasimada dalku ku taal.

Maayar ku Xigeenku Wuxuu ganacsatada Ugu Mahad celiyay aqbalada ay Aqbalen Yeedhitaanka Kulankan,

Xubin ku hadlayay Magaca Ganacsatadii Kulankaas ka soo qayb gashay ayaa dhankooda ka sheegay inay Diyaar u yihiin inay wax la qabtaan Ciyaartodayada Gobolka Maroodi Jeex Uga Qayb Galaya Ciyaaraha gobolada ee Ka Furmaya Caasimada Somaliland.

Geesta kale waxaa Gaba Gabadii Kulankaas ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka maroodi Jeex Maxamed maxamud Jeeniyare isagoo Sheegay in Ciyaaruhu ay Yihiin kuwa Xoojiya Is dhexgalka Bulshada waxaanu kula dardaarmay inay Ganacsatadu doorkooda ka qaataan Sidii uu Xulka Gobolka Maroodi Jeex oo ah Horyaalka Kubada Cagta Isla markaana haysta Koobkii hore ee Gobolada Somaliland ee Burco ka qabsoomay uu Mar kale u hanan lahaa Koobka Sannadkan .

Gudoomiyaha Gobolka Maroodi jeex waxaa kale oo uu ugu baaqay Shacabka ku nool inay soo dhaweeyaan Ciyaar yahanada ka kala Imanaya dhamaan Gobolada Somaliland isla markaana ay Muujiyaan inay Yihiin Astaantii Wadanka.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed