Ra’iisul Wasaaraha Dawlada Somalia oo maanta si rasmi ah u furay wajigii labaad ee talaalka cudurka Dabaysha (Sawirro)
Muqdisho, 28. May, 2013….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Hay’adaha WHO, UNICEF, OCHA iyo xubno ka socda Waaxda Wasaaradda Caafimaadka ayaa ka qayb galay xaflad lagu daah furayey talaalka cudurka dabaysha oo wajigiisii labaad maanta si rasmi ah uu u furay Ra’iisul Wasaare Saacid.
Cudurka dabaysha oo laga ciribtiray Soomaaliya sanadkii 2007 ayaa waxaa horaantii bishaan aan ku jirno laga soo sheegay afar xaaladood oo cusub magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo. Waxaana sidoo kale baaritaan lagu sameeyey 400 oo qof ilaa iyo hada la xaqiijiyey in 30 kamid ah looga shakisan yahay cudurka dabaysha.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in talaakaan uu leeyahay muhiimad gooni ah loogana baahan yahay waalidiinta inay ku baraarugaan sidii caruurtooda uga talaali lahaayeen cudurkaan aan dawada lahayn.
“Waxaa dhawaan Soomaaliya lagu arkay cudurka dabaysha oo sanadii 2007 laga dabar gooyey dalka, waana cudur si fudud u fidi kara, wuxuuna khatar ku yahay dhamaan caruurta Soomaaliyeed, isagoona ku dhaca caruurta da’doodu ka yar tahay shanta sano, cudurkaan waxaa uu leeyahay ka hortag talaal, sanad kastana waxaa laga talaal caruur gaaraysa 2-bilyan caalamka oo dhan, taas waxay muujinaysaa khatarta iyo cabsida laga qabo inuu faafo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid oo dhanka kalana ku dhiiri galiyey dhamaan qoysaska Soomaaliyeed inay caruurtooda ka talaalaan cudurkan khatarta ah, ayna geeyaan goobaha talaalka.
Ra’iisul wasaraha ayaa sidoo kale sheegay in talaalkaan ay hormuud ka tahay dowladda Soomaaliya Wasaaradeeda Horumarinta iyo Adeega Bulshada isla markaana kaashanaysa Hay’ada Caafimaadka Aduunka (WHO).
“Maanta waxaa bilowday ololaha talaaka dabaysha oo socon doona mudo lix bilood ah waxaan codsanaynaa in qaybaha kala duwan ee bulshadu ka qayb qaataan sidii loo cirib tiri lahaa, waxaana si gaar ah qaybaha kala duwan ee warbaahinta uga codsanayaa inay xogta ololaha talaalka gaarsiiyaan bulsha weynta Soomaaliyeed si guul looga gaaro ciribtirka dabaysha” ayuu yiri Ra’iisul wasaaruhu.
Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhibcihii ugu horayey ee talaalka afka ugu dhibciyey caruur ka soo qayb gashay xaflada lagu furayey wajiga labaad ee talaalka, wuxuun mahadnaq balaaran u soo jeediyey Waxaada Caafimaadka ee Wasaaradda Horumarinta iyo Adeega Bulshada, Hay’ada Caafimaadak Aduunka (WHO), UNICEF, OCHA, Hay’adaha aan dowliga ahayn, Dhakhaatiirta iyo shaqaalaha ku hawlan talaalka caruurta.
Diraac Salaad Fagaase
Communication Director Office of the Prime Minister
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com