Wasiirka Hawlaha Guud oo Waxba kama Jiraan ku Tilmaamay Dhul dan Guud ah oo Dawlada Hoose Caasimadu bixisay
Hargaysa 28.May (SDN) Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Mudane Axmed cabdi Maxamuud Xaabsade, ayaa sheegay in wasaaradda hawlaha guud xayiraad Buuxda saartay dhulka Danta guud ee degmada Maxamed Mooge ee Magaaladda Hargeisa.
Waxana uu Wasiirku sheegay in talaabadani la xidhiidho kadib markii qayb ka mid ah dhulka Danta Guud ee Degmadaas si aan Sharci ahayn Dawlada Hoose ee caasimadu u Bixisay.
Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidku ay xaq u leedahay Bixinta iyo qorshaynta dhulka Danta Guud ee Qaranka, waxaana uu usoo jeediyey Maayarada iyo Gudoomiyayaasha Gobolada Dalka in ay u hogaansamaan xeerka No:17 ee la xidhiidha Ilaalinta Bixinta iyo Qorshaynta dhulka Danta guud.
Wasiirka wasaarada Hawlaha Guud Mudane Axmed Cabdi Maxamuud oo maanta xafiiskiisa ugu waramayay warbaahinta , waxa kale oo uu sheegay in ay Qorshaynayaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada Gaadiidka laga wado dhinaca midigta ee ku sugan Dalku u leeyihiin wada marista , isaga oo geesta kalana sheegay in ay dayactir buuxa ku samayn doonaan wadada isku xidha magaalooyinka Hargeisa iyo Berbera, Iyagoo la kaashanaya Hay’adaha ay khusayso Hawshaasi.
Arrintan ayaa ka danbaysay kadib markii uu Ku Simaha Duqa Caasimada Hargaysa ahna Maayar ku xigeenka Hargaysa uu ku Wareejiyay Wasaarada Dibu dejinta 20 Baloog oo dan Guud ah isla markaana loogu talo galay in Guryo looga dhiso dadka Barakacayaasha ah.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com