Tarsan oo digniin culus u diray dadka iyo ganacsada ku dhaqan Suuqa Bakaaraha Muqdisho
Muqdisho May 28 2013 (SDN)— Maxamuud Axmed Nuur Tarsan Guddoomiyaha gobolkan Banaadir ayaa digniin culus u jeediyay shacabka Muqdisho taasi oo ku aadan wadooyinka iyo dhismaha sharci darada ah.
Guddoomiya Tarsan ayaa sheegay in dowladda hoose ee gobolka ay calaameysay guriyo iyo dhismayaal ku yaala Suuqa weyn ee Bakaaraha kuwaasi oo uu sheegay in si sharci daro ah dhismahaada wadada loo soo galiyay.
Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa ku baaqay in dadkaasi loo baahan yahay in ay fuliyaan arrintaasi oo ay guryahooda ka burburiyaan qeybaha wadada ay uga jiraan, hadii ay taasi dhici weysana waxa uu tilmaamay in Maamulka gobolka uu sameyn doono talaabo ku aadan fulinta howshaasi.
Guddoomiyaha gobolka Banadir ahna duqa Muqdisho ayaa carabka ku adkeeyay in bilicda iyo quruxda Magaalada Muqdisho ee la doonayo in la soo celiyo aan laga yeeli doonin in dad gaar ah ay is hortaagaan waxana uu u goodidiyay dadka ka dhaga adeygaya amarada maamulka.
Ciidamada dowladda ayaa howlgallo ay ku burburinayaa dhismayaasha iyo goobaha ganacsi ee sharci darada ah waxa ay ka sameeyeen suuqa bakaaraha waxaana Suuqa hada laga sameeyay wadooyin waa weyn oo waafi ah oo dadka iyo Gaadiidka si fiican u isticmaali karaan.
SDN-Muqdisho