|

Xukuumada Jabuuti oo cagta saartay Wadadii xukuumadii Xusni Mubaarak ee Masar

Jabuuti May 28,2013(SDN)-Xukuumada dalka Jabuuti ee uu hogaamiyo madaxweyne Ismaciil Cumar Geele ayaa haatan dhaqan gelisay tabihii xukuumadii Xusni Mubaarak xiligii lagu jiray kacdoonkii dalkaas.

Xukuumada Jabuuti ayaa haatan la dareemayaa abaabul ay ku sameeysan Dhalinyaro carqaladeysa kulamada Mucaaradka dalku ay kula hadlaan shacabka u dhego nugul dareemada isbedel doonka.

Dhalintan ay xukuumadu soo abaabushay ayaa falal amni daro ka fuliya goobaha mucaaridku isugu yimaadaan.

Dhalinyarada ayaa sidoo kale bartilmaansada madaxda Mucaaridka Jabuuti oo ay shiid la beegsadaan.

Waxaana la dareemayaa baraarujin ay Mucaaridka Jabuuti wadaan oo ay ugu sheegayaan taageerayaashooda in aanu dalku beelo u kala qeybsamin.

Si Kastaba ha ahaataa dalada Mucaaridka Jabuuti ugu weyn ee USN oo haatan leh xildhibaano iyo Guddoomiye Baarlamaan ayaa wada dedaalo ay dalka ugu horseedayaan Isbedel Siyaasadeed oo ku yimaada si nabada.

SDN-Jabuuti

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed