Dawlada Hoose oo ku Wareejisay Wasaarada Dib u dejinta 24 Baloog oo loogu talo galay Dadka Baro kacayaasha ah ee Hargaysa
Hargaysa 27.May (SDN) Ku simaha Duqa Caasimada Hargaysa ahna Maayar ku Xigeenka Magaalada Hargaysa Cabdicasiis Maxamed (Cagaweyne),iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dibu dejinta Cali Maxamed Cabdale Biinkoolo ayaa si wada Jir ah u dhagax dhigay Afar iyo labaatan Balook oo loogu talo galay in loo dhiso dadka barakacayaasha ah ee Ku nool Magaalada Hargaysa .
Dhagax dhigidan waxaa kale oo ka qayb galay Xildhibaano ka Tirsan Golaha Deegaanka ee Caasimada Hargaysa , Gudoomiyaha Degmada Maxamed Mooge iyo Mas’uuliyiin kale.
Iyadoo Markii Hore Dhulkan Uu Mayor Jiciir Bixiyay Ilaa 12 Baloog Oo Kamida Ayaa Mayor Ku Xigeenka Magaalda Hargeysa Mr Cagaweyne Uu Ugu Kordhiyay Dhulksaasi Laban Lab Isagoo Kadhigay 24 Baloog.
Ku simaha Duqa Caasimada Hargaysa ahna Maayar ku Xigeenka Magaalada Hargaysa Cabdicasiis Maxamed (Cagaweyne) oo madashii dhagax dhiga ka hadlay ayaa ugu horayn beeniyay hadal ay warbaahinta siisay Mid ka mid ah Haweenka u Ololeeya dadka bara kacayaasha ah oo Sheegtay in dhulkan la dhagax dhigay laga iibiyay Shirkada kuwa dhismaha ah,waxaanu Maayar Xigeenku Xusay in Maamul ahaan ay Xil iska saarayaan sidii dadka baro kacayaasha ahi u heli lahaayeen dhul ay dhistaan,isagoo intaas ku daray inay u hayaan Meelo ay degaan dadka barakacayaasha ah .
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dibu dejinta Somaliland Cali Maxamed Cabdale Biinkalo oo halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay dhagax dhigida Goobtan waxaanu maamulka dawlada hoose u soo jeediyay inay maalinta beri ah ay geliyaan dhulkan Cagaf si loogu qaabeeyo habkii loo dhisi lahaa .
Dhinaca Kale Gudoomiye Yaasha Barakacayaasha Ee Kaamamka M Mooge Ayaa U Mahad Celiyay Mayor Ku Xigeenka Caasimda iyo xildhibaanada golaha deegaanka Kuwaasoo Si Diiran Usoo Dahweeyay Talaabadani Golaha Deegaanku Ay Hoy Iyo Meelo Ay Dagaan Ugu Samaynayaan Barakacayaasha Sidoo Kale Waxaa Dhulkan Lasiiyay Barakacayaasha Aad Ugu Riyaaqay Dadka Qaxootiga Ah Mudada Dheer Ay Hoy La’aantu Ku Haysay Duleedka M. Mooge.
Hargaysa SDN
Qurbejoog.com