|

“Xadhig dawladeed umaydaan Xidhnayn oo Waxba Maydaan Gaysan,ee Xadhig Nabadeed ayaad u Xidhnaydeen”Wasiirka Arrimaha Gudaha {DHAGAYSO}

Boorama 27.May (SDN) Toban Oday oo ka soo Jeeda Degmada Xariirad oo bilihii u danbeeyay ku Xidhnaa Xabsiga Magaalada Boorama ayaa maanta Xoriyadoodii dib loogu soo Celiyay iyagoo Mudadaas Xabsiga ugu jiray Dil ka dhacay Degmada Xariirad Sadex bilood ka hor isla markaana Gacan ku dhiiglaha falkaas gaystay uu ka soo Jeeday Beesha Ciise.

Wasiirka Arimaha Gudaha oo sii dayntooda ka dib  kulan kula yeeshay duqaydaas  xarunta  maamulka Gobolka Awdal ee Boorame ayaa sheegay in aanu xadhigoodu la xidhiidhin Dambi ay galeen balse uu ahaa mid ku yimi  talaabooyinka xasilinta  nabadgalyada iyo sidii xal looga gaadhi lahaa dhacdada dilka ahyad ee degaanka as ka dhacday.

Sidoo kale Qaar ka Mid ah Duqayda la soo daayay ayaa dhankooda ka sheegay in hadii ay Jeel ku xidhnaayeen ay ku jireen ka u Wanaagsan isla markaana u mahadceliyay Shacabka ku nool Magaalada Boorama.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Duqayxariirad.mp3″]
Boorama SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed