Ciyaar yahanka Heer Caalami ee Yaasiin Xasan Nuur oo Si Diiran Hargaysa loogu soo dhaweeyay
Hargaysa 27.May (SDN) Waxaa maanta Caasimada dalka ee Hargaysa si diiran loogu soo dhaweeyay Ciyaaryahanka u dhashay Somaliland ee Kubada Kolayga Yaasiin Xasan Nuur Isla Markaana ah Kabtanka Xulka Kubada Kolayga ee Wadanka Qadar.
Ciyaaryahankan Waxaa soo dhawayntiisa ka qayb qaatay Xidhiidhada Ciyaaraha Fudud ee Somaliland iyo Siyaasiga Cali Maxamed Warancade .
Ciyaaryahan Yaasiin Xasan Nuur oo hadal Kooban siiyay Warbaahinta ayaa Sheegay in Ujeedada Socdaalkiisu ay salka ku hayso sidii uu uga qayb qaadan lahaa Tartanka Ciyaaraha Gobolada Somaliland ee la filayo inuu ka furmo Caasimada Hargaysa 2-da bisha June ee Soo Socota isla markaana uu wixii talo iyo Tusaaleba ah u siin lahaa dhalinyarada kala duwan ee Tartankan ka qayb qaadanaysa isagoo intaas ku daray inuu ku faraxsan yahay inuu dalkiisa ku soo Guryo noqdo “Safarkaygan oo aan ahayn kii ugu horeeyay ee aan ku imaado dalkayga waxaan wax badan ka geysan doonaa horumarinta kubadda Kollayga oo aan ka taageeri doono ciyaartoyga agab iyo dhinaca tababaraddaba. Waanan ku faraxsan nahay inaan si nabad ah dalkayga hooyo ku soo booqdo,”.
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Duulista Hawadda iyo Gaadiidka cirka Mudane Cali Maxamed Warancadde oo ka mid ahaa siyaasiyiintii soo dhaweysay Yaasiin Xasan Nuur, ayaa sheegay inuu dalka ku soo dhaweynayo ciyaar yahankan caalamiga ah, waxaanu ku tilmaamay mid magac u soo jiiday Soomaalida oo dhan gaar ahaan Somaliland oo uu ka soo jeedo.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com