|

Madaxweynaha Soomaaliya oo canbaareeyay weerarkii ka dhacay xadka Kenya iyo Soomaaliya

Addis Ababa May 27 2013 (SDN)— Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa canbaareeyay weerar ka dhacay Waqooyi Bari Kenya kaasi oo lagu dilay Askar Kenyan ah.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in uu canbaareynayo weerar Al Shabaab ay ku dileen 2-askri iyo dad rayid oo ka dhacay meel u dhaw xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya.

Xasan Sheek ayaa tilmamay in sheegashada Al Shabaab ee wararkaasi uu yahay mid qaladan diinta Islaamkana aysan qabin dilida dad aan waxbana galabsan waa sida uu hadalka udhigay.

Waxaa hadalkiisii ka mid ahaa: “Waa in aan muujiyaa sida aan u cambaareeynayo dilka 5-a qof oo ay ku jiraan 2 askari oo boolis ah kuwaasi oo lagu dilay meel u dhaw xadka soomaaliya iyo Kenya,”

“Kuwa ka danbeeyay oo dilka ku sheegtay magaca islaamka weey qaldanyihiin, waxa ay ku xadgudbeen Quraankeena,waxaan leeyahay dhamaan walaalaheeyga muslimiinta ah  waa naga go’antahay in aan si dhab ah isaga fogeeyno kuwa ku wacdiya mintidnimada iyo isnaceybka. waana in aan is garab taagno beesha calamka si looga adkaado waalida maliishiyaadkan.” Madaweynaha Soomaaliya ayaa sidaasi sheegay.

 Xasan Sheekh ayaa tacsi u diray ehelada iyo dowladda Kenya oo ay askar ka dhinteen waxaa sigaar ah ugu tacsiyeeyay qosaska dadka geeriyooday.

Afhayeen u hadlay Al Shabaab ayaa sheegay in weerarkaasi ay iyagu ka danbeeyeen islamarkaana ay ku dileen saraakiil badan oo ka tirsan booliska dalka Kenya.

SDN-Addis Ababa

Comments are closed