|

Howlgaldii Magaalada Muqdisho oo wali sii socda dadbana lagu soo qabqabtay

Muqdisho May 27 2013 (SDN)— Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa wali wada howlgalada Amaan xaqiijinta ee ka soconaya Magaalada Muqdisho.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maanta howlgalkooda Muqdisho waxa ay ka sameeyeen xaafadaha degmada Wadajir ee gobolka Banaadir halkaasi oo ay ka soo qabqabteen dad aad ubadan.

Dad lagu soo qabqabtay howlgalka ayaa u badnaa dhaliyaro lala xiriirinayo Al Shabaab kuwaasi oo lagu xiray Xarunta Danbibi Baarista ee CID.

Waalidiin badan ayaa hor dhooban Xarunta CID halkaasi oo ay ku jireen caruurtii ay dhaleen oo ay sheegeen in wali aan baaritaan lagu sameyn.

Qaaar kamid ah waalidiinta oo aan la hadlay ayaa ii sheegay in ay ka codsanayaan dowladda in la dadajiyo barista caruurtooda si loo cadeyo in ay dabiyo galeen iyo in kale.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa si isdaba jog ah uga dhacay howlgallo Amaanka lagu xaqiijinayo kuwaasi oo kadanbeeyay hanjabaadyo dowladdu ay ka heshay kooxda Al Shabaab.

SDN-Muqdisho

Comments are closed