Saraakiisha Raaskambooni oo faah faahin ka bixiyay wafdigii dowladda ee lagu celiyay Garoonka Magaaladaasi
Kismaayo May 27 2013 (SDN)— Saraakiisha Ciidanka Raaskambooni ee hoosta Axmed Madoobe oo loo doortay Madaxweynaha Maamulka Jubaland ayaa waxa ay faah faahin ka bixiyeen wafdi dowladda ka socoda oo shalay lagu celiyay garoonka Kismaayo.
Korneel C/laahi Cusmaan Yalaxoow oo ka tirsan saraakiisha Raaskambooni ayaa war fidiyeenka u sheegay in sababaha ugu waa weyn ee wafdiga loo celiyay ay kamid tahay in dowladda Soomaaliya aysan ku soo wargalin imaantinkooda Kismaayo.
C/laahi Cusman Yalaxoow ayaa intaasi ku daray in wafdiga ay hogaaminayaa wasiiradu ay si qaldan ku soo galeen Kismaayo sidaasi darteedna aan loo ogolaan doonin aya gudaha u galaan magaalada islamarkaana Ciidamada Raaskambooni ay halkaasi ku celiyeen.
Warar shalay soo baxayaya ayaa waxa ay sheegayeen in Ciidamada Kenya ay diideen in wafdigaasi Amaankiisa ay xaqiijiyaan sidaasi darteedna ay ku hakadeen garoonka Kismaayo.
Lama oga sida ay wax ku danbeyn doonaan iyadoo xaalada siyaasadeed ee Kismaayo maalinba maalinta ka danbeysa ee cirka isku sii shareereyso.
SDN-Kismaayo