Wasiirka Wershadaha Somaliland oo ka hadlay Kulamo ay la Yeesheen Odayaasha Degmada Xariirad
Xariirad 26.May (SDN) Wasiirka Wasaarada Wershadaha C.risaaq Cali Cismaan oo Xubin ka ah Wefti uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kormeer hawleed ku Jooga Degmada Xariirad ayaa faah faahin ka bixiyay Kulamo ay la Yeesheen laba beelood oo Degmadaas wada dega .
Wasiirka oo Khadka Telefoonka si kooban noogu waramay ayaa Sheegay in Ujeedada Socdaalkoodu ay Salka ku hayso Xalinta shaqaaqo hore u dhexmartay Ardaayo deegaankaasi wada dega isla markaana ay ka dhasheen fal lagu dilay hal nin.
Mudane C.risaaq Cali Cismaan wuxuu xusay inay Kulan la qaateen beesha uu ka soo Jeedo ninka dilka Gaystay kana dalbadeen in si deg deg ah Xukuumada loogu soo gacan galiyo Gacan ku dhiiglaha Gaystay falkaas dilka ah ee ka dhacay Degmada Xariirad horaantii bishii Sadexaad ee Sannadkan,Wasiirka Warshaduhu wuxuu Geesta kale xusay inay ku booriyeen beesha dhibanaha ah inay kala shaqeeyaan Ciidamada iyo Dawladaba sugida amniga .
Wasiirka Wershaduhu waxaa kale oo intaas ku daray inay kulan la qaateen Maamulka Gobolka Salal oo uu hor kacayo Gudoomiyaha Gobolkaasi,Wasiirku Waxa Degmada Xariirad.
Beesha uu ka soo Jeedo Gacan ku dhiiglaha Dilka Gaystay ayaa waxaa kaga xidhan Xabsiga dhexe ee Magaalada Boorama Toban Oday oo ka mid ah Waxgaradka Beeshaasi.
Ilaa iyo hada Xukuumada ayaan ku guulaysan inay soo qabtaan Gacan ku dhiiglaha dilka gaystay,Sidoo kale waxaa deegaanka Degmada Xariirad la Geeyay Ciidamo ka tirsan RRU Kuwaas oo dawladu u kala dhex dhigtay si aanay labada beelood isugu dhicin.
Wefti ka Tirsan Xukuumada oo uu hogaaminayay Wasiirka Gaashaandhiga ayaa hore loogu xilsaaray inay soo afjaraan Xiisada ka taagan degmada Xariirad ee dilka Sababtay,taas oo dabada ku haysa Murankii ka dhashay doorashadii dabayaaqadii Sannadkii tagay ka dhacday Somaliland.
Xariirad SDN.
Qurbejoog.com