Lubnaan: Gantaalo maanta lagu garaacay XISBULLAH iyo khasaaraha ka dhashay
Beirut May, 26 2013 (SDN/AP)- Gantaalo baabuur iyo dhisme la degen yahay burburiyay oo ku yaala goob ay ku badan yihiin maleeshiyaadka Xisbullaah, gaar ahaan Koonfurta magaalada Beirut ee dalka Lubnaan, ayaa Axaddii maanta dhaawacay afar qof.
Siday ku warantay Associated Press, gantaaluhu waxay sii kordhiyeen cabsida la xidhiidha in dagaalka sokeeye ee Siiriya uu ku siqayo inuu ku fido dalka Lubnaan.
Dhinacyada kala qaybsan ee Lubnaan, waxa lala xidhiidhinayaa inay ku lug leeyihiin dagaalka dawladda Siiriya iyo mucaaradka hubaysan u dhexeeya.
Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarka Axadda maanta lagu qaaday ururka hubaysan ee Xisbullah ee dalka Lebanon. Hase yeeshee, sarkaal sare oo ka tirsan mucaaradka Siiriya, wuxuu xilli hore oo todobaadkan ah ku hanjabay inay duqayn doonaan fadhiisimada Hezbollah ku xooggan yihiin, sababtoo ah taageerada Milateri ee ay siinayaan Madaxweynaha Siiriya Bashar al-Assad.
Hisbullaah waa urur-diimeed uu leeyihiin Muslimiinta Shiicadu, iyadoo badi jabhaduhuna ay Sunniyiin yihiin.
Qurbejoog.com, Beirut