Al Shaab oo sheegay in Ciidamo Kenyan ah ay ku dileen Koofurta Soomaaliya
Libooya May 26 2013 (SDN)— Warbaahinta ku hadasha Afka Al Shabaab ayaa soo warisay in Ciidamada Shabaab ay Askari ka tirsan Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Kenya ay ku dileen deegaan lagu Magacaabo Dhamajaaleey oo ku dhaw xadka Soomaaliya iyo Kenya gaar ahaan deegaanka Libooya.
Askari Kenyan ayaa lagu dilay weerar ka dhacay deegaankaasi sida laga soo xigtay sarkaal u hadlay Shabaabka ku sugan halkaasi.
Al Shabaab ayaa sheegay in sidoo kale ay dhaawaceen 7-askari oo ka tirsanaa Ciidamadii Kenya, waxaana ay intaasi ku dareen in sidoo kale ay saanad milatari ay ka dhaceen ciidamadii ay soo weerareen.
Dad deegaanka ku sugan oo aan la xiriirnay ayaa xaqiijiyay in Askar Kenyan ah oo ka tirsan AMISOM ay wax ku noqdeen weerarkaasi.
SDN-Libooya