|

Faroole Oo ku baaqay in laga shaqeeyo midnimada Soomaaliya si loo helo dalweyne Soomaaliyeed

Garoowe May 26 2013 (SDN)— Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo la hadlayay Shacabka Puntland isaga oo ku sugan Magaalada Garoowe ayaa waxa uu ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku saabsan siyaada Soomaaliya.

Faroole ayaa sheegay in dastuurka Soomaaliya uu u baahanyahay in wax laga badalo si looga dhigo dastuur lagu dhaqi karo dalka Soomaaliya oo dhan.

Madaxweynaha Puntlandi ayaa sidoo kale sheegay in midnimada Soomaaliya ay tahay muhiim loona baahanyahay in laga shaqeyno sidii loo arki lahaa Soomaaliya oo mid ah oo isku duuban.

C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa dhanka kale tilmaamay in awoodii Kooda Al Shabaab ee ka dagaalanta Soomaliya la wiiqay islamarkaana iyaga dhexdooda uu khilaaf ka dhextaaganyahay.

Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa hadalkani jeediyay xili maaminnimadii shalay uu furayay Imtixaanaadka Shahaadiga oo ay u fariisteen ardayda wax ka barata deegaanada maamulka Puntland.

SDN-Garoowe

Comments are closed