|

Dood ka dhalatay Heshiiskii Somaliland ay kula wareegtay Maxaabiistii Burcad Badeeda aheyd

Hargeysa May 26,2013(SDN)-Dawlada Somaliland ayaa sheegtay in QM aaney fulinin heshiiskii ay kula wareegtay Burcad badeed Soomaali ah oo haatan ku jira xabsiyo ku yaal Somaliland.

Burcad badeed tiradeedu tahay 34 ayaa haatan ku jira xabsiga Dhexe ee magaalada Hargeysa.

Maxaabiistan oo lagu qabqabtay badda ayaa lagu helay burcad badeednimo ka dib kolkii lagu maxkamadeeyay dalka Seychelles.

Waxaana Hargeysa lagu keenay heshiis sadex geesood ahaa oo u dhexeeyay Dawladaha Somaliland,Seychelles iyo Hay’ada QM u qaabilsan Maandooriyaha iyo Denbiyada.

QM ayaa sheegtay in ay bixin doonto kharashaadka ku bixi doona maxaabiistan ku jira xabsiyada Somaliland.

Sida ay sheegeen masuuliyiinta Xabsiga Hargeysa waxa sanad walba ku baxa maxaabiistan aduun dhan $72,000.

Masuuliyiintu waxa kale oo ay sheegeen in ay tiraba Dhawr jeer la xiriireen QM kana dalbadeen fulinta heshiisyadii hore looga gaaray Burcad badeeda.

Burcad badeeda ku jirta Xabsiga dhexe ee Hargeysa ayaa dhankooda sheegay in aney helin raashin ku filan.

Isla markaana aaney qoysaskoodii oo Muqdisho jooga aaney la hadal intii ka danbeysay kolkii Somaliland loo soo wareejiyay.

Maxaabiistu waxa ay dalbanayaan haatan in loo wareejiyo xabsiyo ku yaal magaalada Muqdisho.

QM ayaa dhankooda sheegay in ay caqabad kala kulmeen goobihii la dhigi lahaa raashinka loogu talo galay maxaabiista.

Si kastaba ha ahaatee Somaliland ayaa kolkii ay aqbaleysay maxaabiistan waxa ay rajeyneysay in Dunidu u dabacdo Qadiyadooda Madaxbaanaanida.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed