Ganacsato Kiinya uga Digtay Taageerada Jubaland
Nairobi May 26,2013(SDN)-Ganacsato ku nool dalka Kiinya ayaa dawlada Kiinya uga digay in ay taageerto maamlka Jubaland ee dhawaan Kismaayo looga dhawaaqay.
Ganacsatadan reer Kiinya ayaa sheegay in khalkhalka ka dhashay doodaha ku xeeran maamulka Jubaland uu carqaladeyn doono amniga Kiinya.
“Hadadaa waxa woqooyiga dalkeena ka jira amaan daro la xiriirta qalalaasaha ka aloosan Koonfurta Soomaaliya”sidaa waxa yiri Ganacsade Cabdi Xajji oo saxaafada la hadlay.
Ciidamada Kiinya ee ku sugan guddaha Soomaaliya ayaa dawlada Soomaaliya gacan ka siinaya sidii nabad loogu soo dabaalilahaa gobolada Koonfureed ee Soomaaliya.
Sidoo kale dawlada Kiinya ayaa ka hortageysa duulaano Shabaabka uga iman jiray kooxda Al Shabaab..
SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com