Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Hawd oo Kormeer ku soo Maray Deegaamo ka tirsan Gobolkaas
Bali Gubadle 25.May (SDN) Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Hawd taliye Mahad Shaqalle ayaa maanta kormeer ku saabsan dhinaca adkaynta nabadgelyada waxa uu ku soo maray Deegaano ku teedsan Xuduudda ay Somaliland la wadaagto Dalka Itoobiya.
Taliye Mahad Shaqalle oo kormeerkiisu saameeyey deegaanada kala ah Gumar, balli cabane, gurxinta iyo kaabadda bari, ayaa intii uu halkaa marayey waxa uu la kulmay waxgaradka iyo dadweynaha deegaanadaasi kuwaasoo uu kala hadlay muhiimadda ay nabadgelyadu u leedahay bulshada kulaalaysa xuduudaha iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay adkaynteedu.
Kormeerka taliyuhu waxa uu ku soo beegmay maalin ka bacdi markii xubno ka socday Golaha deegaanka ee magaalada Balligubadle oo uu horkacayey Xoghayaha fulinta ee dawladda hoose ay soo xalliyeen oo soo af jareen khilaafaad ku saabsanaa mulkiga dhul beero cawseed ah oo ka taagnaa meelo ka mid ah degmada Balligubadle.
Balli Gubadle SDN.
Qurbejoog.com