Gudoomiyaha Ururka Odxa oo ka hadashay Arrimo badan oo Taabanaya Somaliland
Hargaysa 25.May (SDN) Gudoomiyaha Ururka samafalka Somaliland ee UDXA Marwo Faadumo Siciid oo maanta shir jaraa’id xafiiskeeda ku qabatay ayaa ka hadashay arimo badan oo khuseeya Somaliland iyo guud ahaan Gobolka Geeska Afrika.
Marwo Faadumo Siciid oo ugu horayn si adag uga hadashay hadaladii dhowaan ka soo yeedhay Madaxweynaha Dalka aynu jaarka nahay ee Somalia ee ku saabsanaa madaxbananida Somaliland ayaa sheegtay in arintaasi aanay waxba u dhimi Karin Qaddiyadda Somaliland isla markaana hadiiba ay jirto saamayn uu hadalkiisu yeelan karo ay tahay inay sii xoojisay Qaddiyadii umadani lahayd, maadaama ay baraarujisay mujtamaca reer Somaliland ee gudaha yo dibadda isla markaana hadalada Madaxweynahu ay banaanka soo digeen Damaca Qarsoon ee Somalia iyo ujeedooyinka Qarsoon ee ay ka leeyihiin ka qayb qaadashada wadahadalada ay Somaliland la leeyihiin.
Dhanka kalena Marwo Faadumo Siciid waxa ay sheegtay in inkastoo aanay Somaliland weli beesha caalamka ka helin aqoonsi buuxa hadana ay tahay wadan leh xuduudo badeed iyo kuwo berri oo la yaqaano isla markaana aanay sinaba ku ogolaan Karin in hawadeeda dal kale laga xukumo, waxana ay 100% ku taageertay wasaaradda Duulista Somaliland Go’aankii ay ku hor istaagtay in hawada Somaliland laga xukumo dal deris ah.
Gudoomiyaha ururka Samafalka ee UDXA Marwo Faadumo Siciid oo ka hadlaysay socdaalo ay ku soo kala bixisay dalal ka tirsan qaaradda Yurub kana warramaysay xaaladda Qurbo joogga Somaliland ayaa tilmaantay in niyadda dadka qurbojoogga ahi ay xiligan aad u saraysay iyagoo ku sii dhiirraday waxyaabaha mandaqadda ka dhacaya ee qadiyadeena taabanaya.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com