|

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Xadhiga ka jaray Wado laami ah oo Boorama laga Hirgaliyay

Borama 25.May (SDN) Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur) aya maanta  xadhiga ka jaray labo waddo oo laami ah oo laga hirgeliyey magaalada Boorame halka uu mid kalena dhagax dhigay.

wadooyinkanka uu wasiirku xadhiga ka jaray  waxaa iska kaashaday dhismahooda dawladda dhexe ee Somaliland iyo dawladda hoose ee magaalada Boorame halka wadada qabyada ahna ay Dawladda hoose ka taageerayaan shacabka deegaankaasi.

Wasiirka arimaha Guduhu  oo ku gudo jira maalintiisii sadexaad ee socdaalka uu ku joogo Gobolka awdal ayaa sidoo kale soo kormeeray Dhismayaal cusub oo socda oo ay ka mid yahiin Garoonka Kubadda cagta ee magaalada Boorame iyo saldhiga sadexaad ee Ciidanka Booliska ee magaaladaasi. isagoo intii uu wasiirku halkaa marayey warbixino ka dhegaystay ku xigeenka gudoomiyaha Gobolka cabdi Nuur Sugaal iyo mayor-ka Boorame Saleebaan xasan Xaddi iyo xoghayaha dawladda Hoose Maxamed Cabdi Xaashi.

Dhanka kalena Md maxamed Nuur Carraale Dur wasiirka wasaaradaa arimaha gudaha ee Somaliland waxa uu maanta kulan la yeeshay madax dhaqameedka Gobolkaasi oo uu kala hadlay sii xoojinta arimaha nabadgelyada ee gobolkaasi.

Borama.

Qurbejoog.com

Comments are closed