Madaxweynaha Somalia oo ka digay Shabaab oo mar kale gacanta ku dhigi karta Kismaayo.
Adis Ababa May 25, 2013(SDN)-M/weynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Max’ud oo ka hor hadlayay shirkii ay madaxda urue goboleedka IGAD ku yeesheen magaalada Addis-Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa waxaa uu sheegay in arrinta haatan ka taagan magaalada Kismaayo ay keeni karto in Al-Shabab ay ka faa’idaystaan oo ay isku dayaan inay dib u qabsadaan.
M/weyne Xasan Shiikh Max’ud oo khdubadiisuay dhinacyo badan taabaynaysay waxaa uu sheegay in dhamaan waxa ka dhacay Kismaayo ay yihiin wax aan waafaqsaneyn dastuurka dalka u yaala dawladuna aydsan waxba kala socon sida uu yiri.
“Arrinta Kismaayo iyo is magacawga M/weeynayaashu waa arrin aan dastuurka waafaqsanayn waana arrin aan ka dhaxalnay fawdadii aanu k ujirnay 22 ka sano mudada ka badan, marka waxaan leeyahay haddii ay sidaan wax ku sii socdaan waxaa imaanaysa in Shababka faa’idaysto” ayuu yiri M/weyne Xasan Shiikh Max’ud.
M/weynaha ayaa sidoo kale ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin , hormarada dawlada Soomaaliya ay ka sameysay gudaha iyo dibbadda, munaasabadda loogu dabaal dagayo 50, sano guurada kasoo wareegtay markii l a aas aasay ururka midawga Africa, shir dabayaaqada bishaan ka furmaya dalka Japan oo arrimaha Soomaaliya looga hadlayo ay si wada jir ah u shir gudoomin doonaan M/weynaha Soomaaliya iyo R/wasaaraha Japan iyo arrimo kale oo Soomaaliya quseeya.
Arrinta Jubooyinka waxaa ay aheyd ajandaha ugu muhiimsan ee looga hadlay shirkii IGAD ee Addis-Ababa ka dhacay