|

Axmed Madoobe: Hadii Dowladdu sidan ku sii socoto Waan ka tashaneynaa

Kismaayo May 25 2013 (SDN)— Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo dhawaan Ergay ay u dooratay Madaxweynaha Jubaland ayaa sheegay in sida dowladda Soomaaliya ay hada ku socoto hadii ay ku jii adkeysato ay dadka Reer Jubaland tashan doonaan.

Isagoo la hadlayay BBC-da qeybta Soomaaliga Axmed Madoobe ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliya ay dhibaato ku heyso shacbiga ku dhaqan Jubooyinka, waxaana uu tilmaamay in dowladda ay tahay mida ay ka soco la’adahay maamulkiisa.

“Hadii dowladdu sidan ay ku sii socoto waan tashan doonaan,” Axmed Madoobe ayaa sidaasi yiri.

Hogaamiyihii Jabhada Raaskambooni ayaa sidoo kale xusay in dowladda Soomaaliya ay wafdiyo kala duwan u soo dirtay Kismaayo iyadoo aan la socodsiin Maamulka KMG ahaa ee halkaasi ka jiray.

Si kastab hadalka Axmed Madoobe ayaa imaanaya xilli Madaxda IGAD ay ku baaqeen shir dib u heshiisiin ah oo loo qabto dadka daga Jubooyin oo ay dowladu hormuud ka tahay.

SDN-Kismaayo

Comments are closed