Qaraxyo waaweyn oo ruxay magaalada Kabuul
Kabul May 25,2013(SDN)- Qaraxyo waaweyn ayaa ruxay badhtamaha magaalada Kabuul ee xarunta wadankaasi Afgaanistaan, kuwaasi oo ay daba socdeen tacshiirdo culus oo rasaas ah oo la isweydaarsanaayo .
Janalka koowaad ee Telefiishanka Afgaanistaan ayaa, kusoo waramay koox hubaysani in ay weerar kusoo qaadeen xarun ay lahaayeen ciidamada mukhaabaraadku , warku waxaa uu intaasi ku daray in kooxda weerarka soo qaaday ay qabsadeen meelo ka mid ah dhismahaasi.
ciidamada amaanka ayaa isku xeeray dhismayaasha la weeraray, kuwaasi oo iskugu jira kuwa ay dawladu leedahay iyo kuwo ay ku jiraan hay’addo caalami ahi.
Warbaahinta gudaha ayaa sheegay, in qarax culus oo ka dhacay meel u dhaw cusbitaal ay lahaayeen ciidanka nabadsugidu uu sababay qiiq madow iyo uuro halkaasi ka kacda, qaraxaasi ayaa la sheegay in laga maqlaayey meel tobanaan kilo mitir gaadhaysa
Taliyaha booliska magaalada Kabuul janaraal Ayub Salangi ayaa sheegay in ciidamada amaanka ee Afgaanistaan ay la tacaali doonaan kuwa weerarka soo qaaday.
Gadiidka gurmadka ayaa la sheegay in ay qaadayeen dadka wax ku noqday weerarkaasi.
Wakaalada wararka ee AFP kusoo warantay in kooxda Taalibaanku ay sheegteen masuuliyada weerarkaasi.
Ciidamada booliska ayaa gooyey dhamaan wadooyinka gala degmadaasi uu weerarku ka dhacay.
SDN-Kabul
contact@somalidiasporanews.com