Shiinaha oo ciidamo nabad ilaalin ah u diraya Maali.
Beijing May 25,20139SDN)- Shiinaha ayaa ku yaboohay ciidamo cusub oo nabad ilaalin ah ooqaramada midoowday u dirayso wadanka Maali
Tiro kabadan 500 oo iskugu jira askar nabad ilaalin ah iyo injineero ah ayuu Shiinahu u dirayaa hawlgalka nabad ilaalinta eek a socda wadanka Maali.
Ciidamo gaadhaya ilaa 6’000 askari oo ka socda midawga Afrika ayaa haatan ka hawlgala wadanka Maali , si ay gacan ugu siiyaan ciidamada wadankaasi dagaalka ay kula jiraan koxo mintidiin ah oo dhulkaasi weeraro ka geysta.
Saraakiil ka tirsan qaramada midawday ayaa sheegtay in wadahadalo ay weli u socdaan kuwaasi lagu doonaayo sidii ciidamadaasi ka socda Shiinuhu ay qayb uga noqon lahaayeen hawlgalka nabad ilaalineed ee qaramada midoobay ka fulinayso wadanka Maali.
SDN-Beijing
contact@somalidiasporanews.com