Bad-gariir ka dhacay bariga fog ee Ruushka
Dhul gariir xoogle ayaa ruxay meel ka baxsan jasiirad lamoodka Ruushku leeyahaay ee Kamchatka, taasi oo ku tala dhinaca bariga fog ee dalweynaha Ruushka.
Saraakiisha ku sugan gobolka xaga bari ee Ruushka ee Sakhalin ayaa bixiyey digniin ah in ay soo socoto Sunaami, hase ahaate haatan digniintaasi waa laga noqday
Xafiiska Mareykanka u qaabilsan la socodka dhulgariirada ayaa sheegay qiyaastiisu aheyd 8,2 . hase haate, masuuliyiinta Ruushku waxay sheegeen dhulgariirku inuu ahaa qiyaas ahaan 6.7 .wax yar kadib dhulgariirkasi waxaa ruxan laga dareemay meelo badan oo wadanka ruushka ah , mana cadda in ruxankaasi uu xidhiidh la leeyahay dhul gariirka ku dhuftay xeebta bari ee dalkaasi Ruushka.
Ilaa haatan lama sheegin cid wax ku noqotay dhulgariirkaasi.
SDN-Kamchata
contact@somalidiasporanews.com