|

Weeraro isqarxin ah oo ka dhacay Nayjar

Agadez May 26,2013(SDN)-Ugu yaraan 20 ruux ayaa ku dhintay tiro kalena waxaa soo gaadahay dhaawac kadib markii laba weerar oo miidaamo ahaa lagu qaaday goob laga soo saaro macdanta Yuraniyom-ka iyo xero ay ciidamadu lahaayeen oo ku taala wadankaasi Nayjar.

Weerarka lagu qaaday xero ay milatarigu ku lahaayeen degaanaka Agadez ayeey ku dhinteen 19 ruux oo siddeed iyo toban ka mid ahi ay askar ahaayeen.

Sidoo kale afar ka mid ah dadkii weerarka soo qaaday ayaa halkaasi ku dhintay.

Saraakiisha dawladu waxay kaloo sheegeen weerarka labaad ee isqarxinta ahi inuu ka dhacay goobta macdanta laga qodo ee Somair, taasi oo ku taala degaanka magaalada Arlit, halkaasina uu ku dhintay hal qof isla markana ay ku dhaawacmeen 14 ruux oo kale.

Weerarkan oo ka dhacay degaano ku yaala dhinaca woqooyi galbeed ee wadankaasi Nayjar ayey wararku sheegayaan kooxda miliishiyada ah ee uu hogaamiyo Mokhtar Belmokhtar, in ay ka dambeeyeen weerarkaasi.

Wakaalada wararka u faafisa wadanka Mauritanian ee Alakhbar , ayaa kasoo xigatay afhayeen u hadlay kooxdaasi, in Belmokhtar uu isagu soo qorsheeyey isku duabaridka weerarkaasi.

Mar sii horeysay ayeey koox kale oo mintid ah oo lagu magacaabo “Mujao” ay sheegteen in ay iyagu weerarkaasi qaadeen.

 

Comments are closed