|

Milutin Micho oo Lomagacaabey Tababaraha Xulka Qaranka Yugaandha.(By Jaahuur)

Kampala-May-24-2013-qurbejoognews.com-Ottawa-Saaxiibayaal todobaadkan iyo qubanaheena ciyaaraha waxaynu ula kacaynaa xagaa iyo Afrikada Bari iyo Ugaandha oo ka dhawaajisey tababare cusub oo tababara xulka qaranka ee kubadda cagta.

Haddaba tababarahan oo lagu magacaabo Mulitn Micho Sredojevic ayaa u saxeexay 2-ba sannadood Yugaandha inuu tababaro xulka kubadda cagta.

43-jirkan oo tababare u ahaa xulka qaranka kubadda cagta ee dalka Riwanda ayaa bishii aynu soo dhaafney ee Aprill laga caydhiyey shaqadiisii tababarinimo.

Waxaan aad ugu faraxsanahay inan ku soo laabto waddankii ugu horeeyey ee aan ka bilaabo tababaridda ee Afrika,sidaana waxaa ka dhawaajiyey Milutin Micho.

Mar ay BBC-du wareysatey Micho wuxuu u sheegey,riyadeydii tababarinmo ee Afrika waxay ka bilaabantey Yugaandha 2001-kii waxaana Macalin u noqdey (SVILLA ) lana joogey  saddex sannadoo.,9-kii sanno ee ugu dambeysey waxaan la soo kifaaxay Ethiopia,Sudan,South Africa,Tanzania iyo Rwanda,hadda waxaan ku soo laabtey gurigeygii aan ka bilaabey Macalinimada.

Tababare Micho oo wali hadlkiisii sii wata wuxuu ku soo gunaanadey waxaan aad ugu faraxsanahay ciyaartooyda oo i taqaana  ana aan aqaano waxay ii fududeyneysaa inaan is fahano.

Waxaan jeclahay inaan xulka qaranka ee kubadda cagta Yugaandha inaan gaadhsiiyo Koobka qaaradda Africa ee Cup Of Nation oo ay ugu dambeysey 1978-dii ee bal aynu aragno meesha ay iskugu soo biyo shubtaan.

W/ Qorey Jaahuur

qurbejoognews.com

jjaahuur@hotmail.com

 

Comments are closed