Cabsi Soo Wejahday Muslimiinta ku Nool Britain ka dib weerarkii London Askeriga lagu dilay
London May 24,2013(SDN)-Waxa cirka isku shareeray weerarada ka dhanka ah Muslimiinta ku nool Britain intii ka danbeysay weerarkii laba nin oo Muslim ahi ay si fool xun ugu dileen magaalada London nin ka mid ahaa ciidamada qalabka sida ee dalka Britain.
Waxa labadii maal mood ee danbeeyay la qabtay dhawr ruux oo damacsanaa in rabshado ka dhex sameeyaan masaajido ku yaal UK.
Halaka illa dhawr sodon qof oo Dumar iyo Caruur u badana looga geystay weeraro af iyo adinba leh.
Kooxaha sidoodaba neceb Muslimiinta ee ku nool UK ayaa dhacdadii London lagu dilay ninka askariga ah u isticmaalaya in ay ku weeraraan Muslimiinta.
Imaamyada Masaajida ee Britain ayaa si weyn looga dhaleeceeyay falkii argagaxa lahaa ee maalinta cad loogu dilay Lee Rigby.
Madaxa Ururka Bulshada Islamka ee Britain Julie Siddiqi ayaa saxaafada u sheegtay in ay Muslimiintu aad uga xumaadeen dilka askariga,sida ay mujtamaca intiisa kale oo idili uga xumaadeen.
Kooxaha xagjiriinta Cadaanka ah ee midab takoorka aaminsan ayaa fal danbiyeedka si weyn uga faaiideysanaya.
Waxana dhici karta in xagjiriinta Muslimka ahi qudhoodu qaadaan tilaaboyin jawaab u noqon kara kuwa midab takoorka wada.
Si kastaba ha ahaatee dawlada Britain ayaa haatan wada dedaalo ay dadka ugu baaqeyso i la isdejiyo oo aan xaalka looga darin.
SDN-London
contact@somalidiasporanews.com