Jimciyada Sooyaal ee Gobolka Gebilay iyo Maamulka Gobolkaasi oo ka dareen Celiyay Hadalkii ka soo yeedhay Dhawaan Madaxweynaha Somalia
Gebilay 24.May (SDN) Shir Jaraa’id oo ay Maanta ku qabteen Magaalada Gebilay Xubnaha Ururka Mujaahidiinta Sooyaal isla markaana ay Goob joog ka ahaayeen Maamulka Gobolka iyo Ka Degmada Gebilay ayay Si adag uga Hadleen dhawaq dhawaan ka soo Yeedhay Madaxweynaha Somalia.
Xubnaha ka tirsan Jimciyada Mujaahidiinta Sooyaal ee Gobolka Gebilay waxa ay shirkaas ka cadeeyeen in Somaliland loo soo huray Dhiiga Shuhadada isla markaana ay diyaar u yihiin Difaaca qaranka iyagoo u soo jeediyay Madaxweynaha Somalia inuu bakhtiiyo dabka dhinacyadiisa ka huraya isla markaana ay Xukuumada uu hogaamiyo ay hanato Maamulada Magaalada Muqdisho.
Maayarka Magaalada Gebilay Shucayb Maxamed Muuse ayaa dhankiisa ka Sheegay in dhawaqii ka soo yeedhay Madaxweynaha Somalia Xili ay Shacabka Somaliland u dabaal degayeen 22 Guurada ka soo Wareegtay dib ula soo noqoshada madax banaanidooda uu ku ahaa aflagaado iyo Kicin Shacabka Somaliland.
Gudoomiyaha Gobolka Gebilay Yuusuf Ibraahin Geedi ayaa isaguna Tilmaamay in Midawgii Somaliland iyo Somalia inuu ka dhashay doonista Shacabka Somaliland oo hankoodu ahaa inay helaan Shan Somaaliyeed oo Calan iyo dawlada Qudha Wadaaga taas badalkeedana ay Ummada Somaliland ka dhaxashay dhibaato baaxad leh oo ay kula kaceen dadkii ay ehelka Moodayeen waxa uu Gudoomiyuhu intaasi ku daray in Madaxweynaha Somalia looga fadhiyo inuu wax ka qabto amaan darada uu u horseeday Maamulkiisu dalka Somalia isagoo Tusaale u soo qaatay Maamul u samaynta Jubooyinka oo keenay in Shan Madaxweyne ay ka samaysmaan,Waxa uu Gudoomiyuhu intaas ku daray inaan Xasan Sh.Maxamud ka hadli Karin Qadiyada qaranimada Somaliland.
Suldaan Ismaaciil Suldaan C.raxmaan oo ah Suldaanka Guud ee Gobolka Gebilay ayaa cadeeyay inuu taageersan yahay Jawaabta midaysan ee Ku Wajahan Madaxweynaha Somalia isagoo intaas raaciyay in Jiritaanka Somaliland uu yahay Masiir iyo Aayo ka tashi Umadeed oo aan Gorgortan Geli Karin.
Gebilay SDN.
Qurbejoog.com