UK oo ka digtay qatar Amaan oo kaga timaada Al Shabaabka ka dagaalama Soomaaliya
London May 24 2013 (SDN)– Dowladda Ingiriiska ayaa ka digtay qatar dhanka Amaanka oo ka imaan karta Xarakada Al Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta taasi oo xiriir furan la leh Ururka AL Qaacidda.
Wargeyska The Daily Tellegraph ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa kuwa ramaya in dowladda UK ayaa ka digeyso qataro Amaanka oo waqtigan la joogo ka imaan kara kooxda Al Shabaab ee ku biirtay Ururka Al Qaacidda.
Dowlada UK ayaa tilmaamtay in dhalinyarada xiriirka la leh Al-shabaab ay saameyn ku yeelan karaan hanaanka ciidamada ay ku doonayaan inay ku sugaan amaanka guud ahaan Magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi.
Ingiriisku waxa uu intaasi ku daray in laga yaabo in dalkiisa ay ka dhacaan Falal Amaan daro ku saleysan oo daba socda dhac dadii Askariga lagu gowracay gudaha wadankaasi.
David Cameron oo goor sii horeysay hadlay ayaa carabka ku adkeeyay in wixii ka dhacay UK ay ahaayeen howlo Argagixiso laakiin aysan wax u dhimeyn dalweynaha UK.
SDN-London