Jawaari: Ma Ogolaan Doono Mowshin U Jeedkiisu Yahay Burburinta Qaranimada Soomaaliyeed
Muqdisho May 24 2013 (SDN)– Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxmed Sheekh Cismaan “Jawaari” oo la hadlayay warbaahinta ku hadsha afka dowlada ayaa sheegay in mooshinno Baarlamaanka la hor keeno mar weliba ay imanayaan balse ay ku dadaalayaan in mooshinnada la hor keenayo Baarlamaanka ay noqdaan kuwa wax dhisa hayeeshee aan wax dumin.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Sooaaaliya mar wax laga weydiiyay arimaha cakiran ee gobolada Jubooyinka ayaa waxa uu sheegay in Baarlamaanka uu ka war hayo arimaha Jubaland balse ay ka war dhowrayaan in Xukuumadda ay u soo gudbiso dhismaha maamul goboleedyada dalka, waxa uuna sheegay in ay filayaan dhawaan sharciga maamul goboleedyada loo soo gudbin doono, isagoona tilmaamay in aysan ka aamusin arimaha ka taagan magaalada Kismaayo balse ay diidayaan in ay u gacan dhaafaan Xukuumadda.
Dhawaan mooshin ka dhan ahaa Xukuumadda oo la hor geeyay Baarlamaanka ayaa ku dhamaaday fashil kadib markii qaar kamid ah Xildhibaanadii mooshinkaasi hor geeyay Baarlamaanka ay sheegeen in ay ka laabteen go’aankoodii mooshin ka keenista Xukuumadda.
SDN-Muqdisho